Qoor Qoor oo dib Ugu Soo laabtay Muqdisho lana Kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta dib ugu soo Noqday magaalada Kulan la qaatay Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb[3].

 

Safiirka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha Galmudug, Isagoona ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii husamareb 1, 2 iyo 3.

 

Madaxwayne Qoorqoor ayaa kasoo Noqday Safar kedis ah oo Maalintii shalay uu ku tagay magaalada Nairobi, Iyadoona Warar kala duwan ay kasoo baxeen kulankaasi.

Magaalada Muqdisho  la Filayaa  inuu ka Furmo Shirka madaxda DF Soomaaliya Maamulada, Waxaana La filayaa inuu Axmed Madoobe kasoo Noqdo  Magaalada Kismaayo oo maalintii shalay Qarax ka dhacay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com