Qoor Qoor oo ka digay Colaad Beeleedyada ka jira Galmudug

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi KaariyeQoor Qoor, ayaa sheegay in Maamulkiisu uusan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca Galmudug.

Qoor Qoor, wuxu sheegay in shacabka Galmudug lagu xanto, in ay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto waxkasta oo keeni kara Colaadaha.

Madaxweyne qoor Qoor, oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamacad lagu furayay oo ka dhacday Degmada Guriceel, ayaa sheegay in Galmudug ay ka hortegi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug, sida weerarada ay geystaan Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug, ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Dhuusamareeb

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com