Qormada maanta Oo Aan ku Eegi,doono Magaalooyinka London iyo Accra Oo Caasimada ukala ah Wadamada Chana & Britten.

 

Ku soo dhawaatan qormada maanta Oo Aan ku Eegi,doono Magaalooyinka London iyo Accra Oo Caasimada ukala ah Wadamada Chana & Britten. Waa Isku Waqti Sababta Akhriso.

Cilmiga Juqraafiga (Geography), khariidada waxaa loo isticmaalaa xarriiqyo isku dhaqlan oo loogu yeero dhigo iyo loolal.

Dhigtu waa xarriiqa taagan (vertical) ee kor ilaa hoos isku xiran, loolkuna waa xarriiqa gudban (horizontal) ee midig ilaa bidix is heeysta.

Khariidada caalamka dhiguhu waxaa ay leeyihiin mid udub dhexaad u ah oo wadata lambarka 0°, wixi ka xiga midig waa togane (+), wixii ka xiga bidixna waa tabane (-).

Haddaba dhigta 0°, waxaa ay dul saaran tahay oo ay ku aaddan tahay magaalada London xaafadda Greenwich, dhigtaas 0°, waa midda laga qiyaas qaato saacadda GMT (Greenwich Mean Time).

Qaaradda yurub waxaa ku beegan dhigtaas saddexda waddan oo kala ah Britain, Jamhuuriyadda Ireland iyo Portugal, waana isku xilli oo London, Dublin iyo Lisbon waa isku saacad.

Qaaradda Afrika magaalada dhigtaasi dul martaa waa Accra, caasimadda Ghana ee galbeedka Afrika, waxaa ayna isku xilli yihiin Magaalada London.

W/qoray Wariye Aadan Xussein Daud