Dhageyso : Xildhibaan Mahad salaad oo codsi U diray Madaxweyne Farmaajo

Munaasabad loogu Mahd naqayay xildhibaanada Golaha shacabka Barlamaanka Federalka Soomaaliya, ayaa xalay lagu qabtay Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.

Munaasabadaasi ayaa  waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka ahna kusimaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,iyo Xildhibaanada labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqaMagaalada Muqdisho ,ku xigeenadiisa fanaaniin , iyo marti sharaf lagu casuumay.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Cumar maxamuud maxamed Cumar Finish ayaa u mahad celiyay Xildhibaanadii ka qayb qaatay Ansixinta in 13 kursi gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka sare

Xubnihii ka qayb galay Xafladaasi ayaa waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan mahad Salaad oo ugu baaqay madaxweyne farmaajo in uu saxiixo 13ka Kursi uu gobolka Banaadir ka helay Aqalka Sare isaga oo u mahad celiai Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdi raxmaan dadaalka uu ku bixiyay meelmarinta Mataalada Siyaasadeed ee gobolka Banaadir