Ra’iisal Wasaaraha Norway iyo Madaxweyne Farmaajo oo khadka Telefoonka ku wada hadlay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.

Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telfoonka kula soo xiriirtay madaxweyne Farmaajo waxay ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.