Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ayaa Xalay la kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay in ka badan 50 xildhibaan oo ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo uu ka dalbaday in ay siiyaan Codka Kalsoonida maadaama uu dhawaan hortegayo Baarlamanka

Kulanka waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed Xusen Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday Kulamo uu Xildhibaannada Baarlamanka uu uga raadinayo Codka Kalsoonida si uu u soo dhiso Xukuumad cusub.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com