Ra’iisal Wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Duusamareeb+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalaa Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa socdaalkan Dhuusamareeb ku wehelinayay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dhuusamareeb u tagay ka qeybgalka wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Dawlada Federaalka iyo madaxda  dowlad goboleedyada,