Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal Afar cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo quseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la lulmay Mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com