Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madax ka Tirsan Mas,uuliyiinta Bangiyada Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxda Bangiyda dalka, kadib markii uu kormeer ku tegay Xarumaha Bangiyda ee Dawladu ay maamusho.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa Madaxda Bangiyda dalka ee uu la kulmay u balan qaaday in Xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda, si dhaqaalaha dalku u hormaro.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxda kala hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku dhiirrigaliyay kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com