Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Danjiraha Dawlada Turkiga u Fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Danjire Mehmet Yilmaz u sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Eng. Rooble ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo Turkiga uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka.
“Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena.” ayuu yiri Mr Rooble.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan caawinta iyo isgarab taagga dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada dalkiisu siiyo Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com