Ra,isul wasaare Erna solberg oo taageero waydiisatay Xisbiga FRP.

Oslo:-Ra,isul wasaaraha dalka Norwey Erna Solberg oo ku guda jirta ololaheeda doorshada baarlamaan ee ka socota dalka ayaa codsatay in dib u midoobaan Xisbiga FRP.

Solberg oo Ła hadashay warbaahinta waxaa ay ku boorisay xisbiga FRP in dib u midoobaan si doorashada socota ugu guuleystaan.

Ra,isul wasaaraha ayaa tilmaamtay in qiyaasaha hada soo baxaya muujinayaan in xisbiyada AP SP iyo Sv aysan heli karin 85ta kursi ee baarlamaan.

Codsiga ka soo baxay  Ra,isul wasaaraha Norwey ayaa la ogeyn sida uga jawaabi doonaan xisbiga FRP oo dowłada isaga baxay horaantii sanadkaan kadib markii Xukumada Erna Solberg soo qaadatay Hooyo iyo ilmaheeda oo ku sugnaa dalka Siiriya.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada dalka Norwey ka socotana waxaa ay  sheegayaan in xisbiyada qaar sare u kacayaan taageerada ay ka helayaan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Xisbiyada AP,SP iyo SV ayaa la tilmaamayaa in hada ay isku geyn codadka la qaaday tilmaamayaan in wali u baahan doonaan taageerada Xisbiyada ród ama xisbiga kale ee Rødt ama MDG.

Xafiiska Wararka Oslo,Norwey.

Info@aragticusub.com.