Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ay ka wada hadleen dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabeelle iyo qodobbo kale.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Ugu dambeyntii Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada cusub ee maanta lagu doortay degmada Ceelwaaq iyo soo gagababeynta Jubbaland ee doorashooyinka Golaha Shacabka.

“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.

Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.”ayuu yiri  RW Rooble