RW Rooble oo Hambalyo u diray sanitaradii maanta la doortay

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ku timaamay horumar muhiim oo lagu tallaabsaday kadib markii uu si rasmi ah maanta u soo idlaatay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee BFS

RW Rooble ayaa bogaadiyay senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku booriyay in sidii ay kuwada ballameen in Dowlad-goboleedyada ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com