Madaxweyne Sheekh Shariif oo Hambalyo diray Sanitardii maanta lagu doortay Dhuusamareeb

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed ayaa hambalyo u diray Sanitor cabdi Qaybdiid iyo Sanitor cabdi xareed oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb

Mudane sheikh shariif Sheikh Axmed ayaa hambalyada uu u diray labada sanitor ee maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb u rajeeyay in xilkooda Alle uu la qaado.

Qoraalka uu shariif soo dhigay bartiisa face bug ayaa u qornaa sidaan:

Waa talaabo kale oo horay loo qaaday in maanta la soo gabogabeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaan u hambalyaynayaa labada xubnood la doortay oo ahaa kuwii ugu dambeeyay xubnaha Aqalka sare ee Baarlaamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Waxaan ugu hambalyaynayaa guddiyadda doorashooyinka, Ergada iyo Hoggaanka siyaasadda gobolada Waqooyi, Baarlamaanada iyo Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya guusha laga gaaray dhameystirka Aqalka sare.

Waxaan markale ku baaqayaa in la dedejiyo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka, waa in aanu waqti kale lumin oo la soo dhameystiro ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota, dadkeena ma xamili karaan dib u dhac doorasho oo intaan ka badan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com