Cabdi qaybdiid iyo Cabdi Xareed oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku guuleystay kursiga Senatornimo ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay.
Xilidhibaanada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay waxaana u codaysay 83 Xildhibaan.

Sidoo kale Cabdi Cusmaan Xareed ayaa ku guuleystay kursiga Senatornimo ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale cod gacan taag ah ugu codeeyay waxuuna helay 83 Cod.
Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52 kursi.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com