Taliska Ciidanka Booliska oo ka Jawaabay war ka soo yeeray Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada wadajir

Booliska Soomaaliya ayaa ka war bixiyey weerar shalay guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda degmada Wadajir Ciise Sharaawe Cabdi uu sheegay in lagu qaarijin rabay kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii uu saarnaa.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa beeniyey inuu jiray qorshe degan oo la doonayey in lagu dilo Ciise Sharaawe Cabdi.

Cabdifataax ayaa sheegay in ciidanka booliska oo hawlgal ka waday bar kontorool oo ku taalla Wadajir ay qabteen Mooto Bajaaj taargo la’aan ah kadibna uu milkiilihii lahaa Mootada dalbaday ciidamo hubeysan, taasoo sababtay inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Booliska iyo kuwa uu dalbaday ninkii watay Mootada.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeyey booliska iyo ciidamada weerarka soo qaaday uu kusoo dhex dhacay guddoomiyaha siyaasadda degmada Wadajir, isagoo carabka ku adkeeyey inuusan aheyn qorsho isaga ka dhan ah.
Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu kusoo galay shaqaaqo u dhaxeysay militariga iyo Booliska, waxayna ciidamada ilaalada guddoomiyaha sameeyeen iska caabin,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada dhacday uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidanka booliska iyo askari ka tirsan militeriga oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday halka laba qof oo kale ay dhaawac ka soo gaaray.

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com