24.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 23, 2024
Home Wararka Afrika Sacuudiga oo dilay Nin weerar ku qaaday Fanaanii Ajaanib ah

Sacuudiga oo dilay Nin weerar ku qaaday Fanaanii Ajaanib ah

Nin toorri la dhacay ugu yaraan saddex qof oo Spanish ah oo ka mid ahaa koox qoob ka ciyaar ku soo bandhigayey xaflad lagu qabtay Sucuudiga ayaa la dilay.

Weerarkaa kooxda lagu qaaday wuxu ka dhacay magaalo madaxda Riyadh bishii Nofember oo ay bandhig lagu qabtay.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay inuu Al-Qaacida xiriir la lahaa ninkaa weerarka qaaday oo magaciisa la yidhaa Cimaad Al-Mansuur oo ah 33 jir Yemeni ah.

Dhacdadani waxay dhacday iyada oo Sucuudigu fudaydiyey xayiraaddii mudada dheer saarayd madadaalada ee ay soo rogeen wadaadada diinta ee muxaafidiinta ahi.

Weerarku wuxuu dhacay 11 Nofember markaas oo ninku isku qaaday masrax ku yaal fagaraha Boqor Cabdallah oo uu halkaa ku tooriyeeyey xubnahaa ka tirsanaa kooxda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com