Sadax sano kadib waxqabadka Farmaajo wuxu noqday Salaanta Abi Axmed iyo Caburinta!

Madaxweyne Farmaajo sadex sano iyo sadex bilood oo uu kursiga ku fadhiyo. wax qabadkiisa wuxuu ku soo koobmay safaro joogta oo qarash badani ku baxo. dana ugu jirin shacabka bur burinta maamul gobaleedyada.ladagaalanka dadka ka fakirka duwan iyo waxaan salaamay Telefoonkana kala hadlay Walaalkey Abii Axmed Raysulwasaare Itoobiya.

Haqiraada waxqabadka Madaxdii talada dalka kaga horeeysay. bur burinta Ciidamada sida NISA shaqo ka eryadii sifo an sharci aheyn saraakiisha kuwooda ugu fir fircoona ee soo halgamay lana soo dagaalamay argagaxisida. balamo laabla kac oo uu shacabka ka qaaday oo aan fulin.

Dhaqamada uu soo kordhiyay Madaxweyne Farmaajo dadkana ka fajaciyay. qaar kamid ah Siyaasiyiinta u baxiyeen fasahaad Siyaasaded waxaa kamid ah qaaqlayaal la dajiyay Hoteelo qaaliya mushaarna ku qaata guul wadeyn iyo faafinta shaqo aan la qaban muuqan oo been ah .Bulshaddana maaweliya ujawaabana Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta talooyinka muhiimka u soo jeediya iyaga oo ugu badalaya aflagaadeyn.
Halkaan laguma soo koobi karo fashilka Farmaajo lamood noqonse waa balse maadama qoraalada dhaa- dheer dadku ka caajisanayaan usoo koobay.

Waxaa Qoray Nur Ismail Sheikh Wariye Dalkiisa iyo dadkiisa Jecel