Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada oo Lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho,Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Dilkaan oo uu geystay nin bastollad ku hubeysan ayaa ka dhacay degmada Dharkenleey.

Sarkaalkaan la dilay ayaa ka mid ahaa Ciidamada booliska ee ka qeyb qaadanaya sugida Amniga degmadaas.

Ninka dilka geystay ayaa isku dayay in uu goobta ka baxsado balse waxaa toogasho ku dilay Ciidamo dowlada ka tirsan.

Xaalada goobta dilku ka dhacay ayaa iminka degan sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aynu la xirirnay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com