Madaxdii Ahlu Suna oo isku dhiibay Ciidamada dowlada.

Dhuusa-Mareeb, Madaxdii Ahlu Suna Waljamaaca ayaa ugu dambeyn isu dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Dhuusa-Mareeb.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir Ayaa ugu dambeyn shaaciyay in Dowlada isu dhiibeen.

Labada Mas,uul oo shir jaraa,id si wada jir ah u qabtay ayaa sheegay in iyaga oo danta shacabka eegaya u tanaasuleen waa sida hadalka u dhigeene.

lama oga go,aanka dowlada ka qaadan doonto mas,uuliyiinta Ahlu suna ee isu dhiibay.

Arintaan ayaa imaanaysa kadib dagaal laba maalmood ka socday Dhuusa-mareeb kaasi oo sababay dhimashada in ka badan 20-ruux iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com