Mid ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka oo Lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho, Mid ka mid ah Howl-wadeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheega in dilka marxuumkaan ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo  C/waaxid Maxamed Ibaahim ayaa lagu toogtay goob aan ka fogeyn hoygiisa degmada dharkenleey.

Dilka mas,uulkaan ayaa imaanaya xili xalay sidoo kale degmada lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliska Dowlada Federaalka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

info@aragticusub.com