SAWIRO:-Puntland oo markale fagaare ku gubtey Jaad farabadan

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa Goob Fagaare ah waxaa ay ku gubeen Qaad(Jaad) si Qarsoodi ah loo gelin lahaa Lahaa Magalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in si walba oo loo soo qariyo Qaadka ay CiidamadusSoo qaban doonaan lana Gubi doono.

Taliye Xusseen ayaa u mahad celiyay Ciidamada Booliska Ee ku sugan Kantaroolka Boosaaso Ee soo qabtay jaadka,xili si qarsoodi ah loo soo gelin lahaa Gudaha Magalada Boosaaso.

Ugu dambeyn waxaa uu digniin u direy Taliyaha dadka Ganacsatada ah ee ku dhiirnaya inay si qarsoodi ah jaadka kusoo gelinayaan Magaalada Boosaso,isaga o sheegay inay tallaabo ka qaad doonaan.

 

  

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com