Sayga cusub Ilhaan Cumar oo la sheegay inuu qaatay Diinta Islaamka

Waxaa maalma kahor dalka Mareykanka ku aqal gashay xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,”

Afhayeen u hadlay Ilhan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy oo la hadlay BBC-da.

Jeremy ayaa ka gaabsaday in uu BBC-da la wadaago haddii uu jiro magaca uu la baxay seyga cusub ee Ilhan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka.

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin. Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

Xigasho BBC