Senator Fartaag oo NISA ku eedeeyay inay hor istaagtay Safar uu ku tagi lahaa Kismaayo

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag] iyo Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in laga reebay diyaarad ku socotay Kismaayo kana dhoofi lahayd Muqdisho, Axada maanta ah, si ay uga qeybgalaan Aaska Wasiirkii Waxbarashadda Jubbaland.

Senator Fartaag warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in loo diiday Safarkaasi, waxaana uu sheegay arrintaasi in aan la aqbali karin.

Sharci-dejiyeyaashaan mucaaradka ah ayaa farta ku fiiqay Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka si lamid ah Wasiirka Duulista Hawada, Mohamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, inay ka dambeeyeen qorshaha Safarkaasi looga hor istaagay.

Diyaarad maanta ka duushay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa ay ku sii jeeday Magaalada Kismaayo, waxaana diyaaradaasi lagu qaaday maydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed oo dhawaan ku geeriyooday dalka India.

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya & Wasiir Oomaar labadaba kama aysan jawaabin eedeyntaan uga timid Senator C/laahi Fartaag oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Dowladda Somaliya ayaa dhawaan la soo baxday dhaqan cusub oo ah in Safarada laga hor istaago shaqsiyaadka mucaaradka ah ee u safraya Gobolada dalka, iyadoo taasi qayb ka tahay caburinta ay la kulmayaan Siyaasiyiinta xilalka haysa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com