Shabaab iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku dagaalamay G/Hiiraan

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal  Xooggan oo u dhexeeyey Xarakada Alshabaab iyo Ciidamo Itoobiyaan ah  oo ka dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Cutubyo ka Tirsan dagaal yanada Shabaa Weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku yeelihiin degaankaasi

Wararka ayaa intaasi ku Daraya in dagaalka leysi Adeegsady Hub culus Waxana daryanka hubkaas laga maqlay degaano badan oo ka Tirsan gobolka Hiiraan.

Xubno ka Tirsan maamulka gobolka Hiiraan aya  ka hadlay dagaalkaas iayaga oo intaasi raaciyay in Ciidanka Itoobiya ay Isdifaaceen waa sida ay hadalka u dhigeene’

Xaalada Degaanka Halkan ayaa la soo sheegayaa in ay degan tahay lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com