Shabaab oo la wareegay degaan ka Tirsan Gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen Degaanka lagu magacaabo Gurya-samo oo ku yaalla duleedka Degmada Laasqoray ee Gobolkaasi.

Xoogag Hubeysan tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 Dagaal yahan , islamarkaana ka tirsan Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Shalay la wareegay Degaanka Gurya-samo, halkaas oo ay ka samaysteen dhufaysyo ciidan.

Degaanka Al-shabaab la wareegtay ee Gurya-samo, waa dhul istiraatiiji ah, oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow, kaas oo marin u ah Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com