Xubno ka Socda Maamulka Koofur Galbeed oo maanta gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi ka socda baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka ee Maamulkaasi Maxamed Nuur Macalin ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe.

Xubnahan ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaano kale.

Ujeedka safarka masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa ah iskaashiga labada maamul iyo ka qayb-galka furitaanka kalfadhiga 47aad ee golaha wakiilladda Puntland oo beri Furmaya.

 

Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com