Shabaab oo laga soo furtay Haweenay Talyaani ah oo u afduubnayd

Silvia Romano, oo ah gabar Talyaani ah oo ay haysteen Al-Shabaab tan iyo November 2018, ayaa lasii daayey, waxayna ku sugan tahay Muqdisho, sida uu xaqiijiyey ra’iisul wasaaraha Italia, Giuseppe Conte.

Silvia waxaa lagu soo furtay howlgal xalay ka dhacay meel 30 KM u jirta Muqdisho, oo ay fuliyeen sirdoonka dibedda Talyaaniga ee Aise, waxaana kala shaqeeyey sirdoonada Soomaaliya iyo Turkey – Le Repubblica.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twiterka wuxuu ku xaqiijiyay in xuriyadeeda dib ay u heshay Silvia oo ay joogto Muqdisho.

Ma uusan bixin faah faahin intaasi ka badan oo ku aadan hawlgalka lagu soo furtay haweenaydaan oo muddo fog gacanta Shabaab ku jirtay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga aysan meel cidlo ah uga tageyn muwaadiniinta u dhashay dalkeeda.

Al shabaab wali kama aysan hadlin haweenaydaan Talyaaniga aheyd ee sida la sheegay xalay gacantooda laga furtay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com