shabaab oo sheegtay in ay Qarxiyeen Booyado shidaal

Shabaab ayaa baraha internetka soo dhigay in duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay ku qarxiyeen laba booyadood oo shidaal u siday ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay galbinayeen kolonyo gaadiid ah.

-shabaab waxay sheegeen in gebi ahaanba ay bur buriyeen labada booyadood kadib markii ay la beegsadeen miinooyin dhulka lagu aasay kuwaas oo Rimood laga hagayay inkastoo aysan faahfaahin ka bixin haddii uu jiro khasaare gaaray kolonyadii la socotay booyadaha.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaan weli dhankooda ka jawaaabin sheegashada shabaab ee la xiriirtay in ay qarxiyeen booyadihii Shidaalka Ciidamada.