Shacabka Mareykanka oo dhigay dibad bax ay ku dalbanayaan in lagaqaado xayiraada  Covid-19(Sawirro)

Shacabka dalka Mareykanka ayaa bilaabay in ay dhigaan banaan baxyo ay uga soo horjeedaan xayiraada adag ee ka dhalatay cudurka Caronavirus ee dalkaasi dadka badan kula dhacay sidoo kale ku dilay.

Dibad baxayaal hubeesan oo kasoo horjeeday xayiraada ka dhalatay cudurka Caronavirus ayaa galay xarunta Madaxtooyada maamulka gobolka Michigan si ay u muujiyaan in ay kasoo horjeedaan xayiraada lasii dheereeyay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warantay in dadka dibad baxa dhigayay qaarkood aysan xirneyn waxyaabaha looga gaashaanto cudurka Caronavirus sidoo kale dadkaasi ayaa u muuqday kuwa aan kala fogeyn.

Ciidamada booliiska ee ilaalinayay xarunta Madaxtooyada gobolka Michigan ayaa dibad baxayaasha kahor inta aysan galin Madaxtooyada baarayay heerkulkooda iyagoona kadib u fasaxayay in gudaha galaan iyaga oo qaarkood hub wataan.

Dibad baxayaasha ayaa dalbanayay in dib loo furo ganacsiga iyo isku socodka gobolka ay degan yihiin, waxa ayna kasoo horjeedeen in waqti dheeraad ah lagu daray xiligii xayiraada loo qorsheeyay.

Sharciga gobolka Michigan ayaa ogol in qofka uu hub la soo gali karo xarunta madaxtooyada gobolkaasi, waxaana la arkayay qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigayay oo si caadi xarunta Madaxtooyada hub ugu dhax wata.

Gobolka Michigan ayaa kamid ah gobolada uu saameynta badan ku yeeshay cudurka Caronavirus, waxaana gudaha gobolkaasi uu cudurka ku dilay dad ka badan 3,788 qof halka uu cudurkaasi ku dhacay dad gaaraya  41,000 kun oo qof .

Halkan kadaawo sawirada