Shacabka Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay u istaagaan badbaadada dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee mucaaradka togan ku ahaa nidaamkii Farmaajo, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan habanti la’anta siyaasadeed ee dib-dhaca doorashadu sababtay.

Warsame, wuxuu sheegay in dalku ku jiro muddo kororsi dadban, oo ay hirgaliyeen shaqsiyaadkii lagu aaminay in ay dalka ka qabtaan doorsho aan daah lahayn oo xilligeeda ku qabsoonta, iyaga oo eeganaya dano shaqsiyadeed.

“Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd”. Ayuu yiri hoggaamiyaha Wadajir.

Wuxuu ku taliyay in xal loo helo mugdiga dowladnimada la galiyay, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan badbaadad dalka, si dib loogu soo celiyo xasilloonida faraha ka baxday.

“Dalku sidan siima ahaan karo, waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah”. Ayuu yiri.

Hadalka CCWarsame, ayaa ku soo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in wixii ka danbeeyay dhamaadka sanadkan, ay Golaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya, qaadayaan tallaabo la mid ah kuwii ay ku diideen muddo kordhintii April iyo xubnihii NISA, ee Fahad Yaasiin ku daray Guddiga doorashooyinka.

Sida ay caddeynayaan xogo hoose, Musharixiinta ayaa maalmaha soo socda shir weyne ku qabsanaya Caasimadda, kaas oo ay ku soo saari doonaan baaqyo kama danbeys ah oo ku qotoma doorashooyinka.

Sidoo kale, Shirkaas waxaa lagu dharaan-dhirin doonaa dhisidda Gole Qaran oo kumeel gaar ah (National Transitional Council) kaas oo dalka gaarsiiya doorasho xor ah oo loo dhan yahay, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ku guuldareysto dhamaeystirka doorashada ka hor sanadka cusub.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com