Shaxda Degaan doorashada Kuraasta Golaha shacabka oo la soo bandhigay iyo Halka lagu soo dooranayo Xildhibaanada

Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya , Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray kuraasta Golaha Shacabka iyo deegaanada laga soo dooranayo oo ah labo deegaan sida Caasimada Dowlad Goboleedka iyo magaalo kale.

Shaxda ayaa u qorneyd Sidaan:

Puntland waxaa lagu soo dooran doonaa 39 Kursi  oo kamid ah Baarlamaanka, waxaana loo Qorsheeyay sidan.

  1. magaalada Garoowe 24 Kursi  Waana (Kuraasta Gobolada Sool, Nugaal iyo Mudug)
  2. Magaalada Boosaaso 15 Kursi Waana ( Kuraasta Gobolada Bari, Qardho iyo Sanaag)

Galmudug waxaa loo Qorsheeyay in lagu soo doorto36 Kursi.

  1. Magaalada Dhuusamareeb 24 Kursi
  2. Magaalada  Gaalkacyo 12 Kursi

Jubbaland Waxaa loo Qorsheeyay  in lagu soo doorto 43 Kursi

  1. Magaalada Kismaayo 27 kursi ,   2. Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.

Hirshabelle 37 Kursi

1 Jowhar 15 Kursi,  2. Beledweyne 22 Kursi

Koonfur Galbeed 69 Kursi

magaalada Baydhabo 44 Kursi ,  2. Baraawe 25 Kursi

Gobolka Banaadir  waxaa lagu dooran doonaa 51 Kursi

Banaadiri 5 kursi    ,  2. Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com