SHIRKA DHALINYARADA ADDUUNKA OO KA FURMAY DALKA MASAR (+SAWIRO).

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmey Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar shirka dhalinyarada adduunka.

Shirka oo looga hadlayo qodobo badan oo muhiim ah ayaa waxaa ka soo qayb galey Madax ka kala socota adduunka sida wasiiro, Safiiro iyada oo uu shirka furey Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-siisi.

Madax kale oo tiro badan ayaa shirka uga qayb galey aalada fogaan araga iyaga oo dalalkooda jooga.

Maxamed Cabdiqaadir Faarax Cali (Kolombo) oo ka qayb galayey shirkaas ayaa la kulmey safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Ambasador Ilyaas, kaas oo si weyn u soo dhaweeyey sida uu sheegay.

Shirkan ayaa waxa uu sii socon doonaa ilaa 14-ka bishan iyada oo wax badan ay ka faa’iidi doonaan muddada uu socdo ka soo qayb galayaasha.

DAAWO SAWIRADDA HOOSE:

Mohamed Farah Duurgal.

Denver-USA.