Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamulada Ma Shir Mise Sheeko ?

 

Tan iyo marki ladoortay M/weeyne Farmaajo xiligaas oo uu balan qaaday in oo naqan doono nabadoon usiman bulshada Soomaliyeed geed cheer iyo mid gaabanah uu u kori doono nabada Soomaaliya ma muuqato isbadal lataban karo oo  uu hore u qaaday.

Waxaa jiray heshiisyo dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ku dhexmaray Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo kii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb, dhammaantood ma jiro ajande siyaasadeed oo ka soo baxay oo guuleystay.

Hada waxaa magaalada Muqdisho shir uga socdaa Madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada fadaraalka soomaaliya manajirto wax natiijo ah ama hordhaca oo dalka iyo Dadka soomaaliyeed dan u ah oo kasoobaxay .

Dad badan ayaa u arko in kulanka madaxda iyo maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe in uu yahay shimbirayahow heesa oo ay wax natiija ah kasoo baxeeynin maadaama dhoor jeed horay ay u kulmeen wax natiija aha ay kasoobixin.

Kulanka Masùuliyiintaan ayaa u muuqdo kulan shooko iyo isla qaxweeyn ah oo habayaraate wax natiija ah ay kasoo baxeen taas oo mugdi iyo rajo la`aan u horseedi doonto mustaqbalka aayaha umada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com