Qaar katirsan Ciidan NISA oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa xiray waddo gasha Villa Somalia

Ciidan ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta xiray mid ka mid ah wadooyinka gala Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo tiradoodu ku sheegay illaa 90 askari ayaa waxay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo saddex bilood ah, taasoo keentay inay xiraan wadadaan gaaho Madxtooyada Soomaaliya.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidankan ay hakad geliyeen dhaqdhaaaqii gaadiidka ee wadadaasi, ha yeeshee ay socdaan dadaalo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo.

Mid ka mid ah askartan ayaa sheegay in 1-dii bishii June ee sanadkan la geeyay Garoonka Diyaaraadaha ee Degmada Dayniile, ka dib markii ay tababar soo dhameysteen, hub iyo dareysna loo qaybiyay ,waxa uu sheegay mudadaasi inaanay helin wax mushaar ah.

Dowlada soomaaliya ayaa dhoor jeer sheegtay in ay  bixiyaan mushaaraadka Shaqaalaha dowlada oo ay ugu muhiimsanyihiin mushaarka ciidanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com