Shirkada Pfiser oo soo saartay dawooyin cusub oo looga hortagayo qatarta dhimashada ee caabuqa covid19.

Oslo:-Shirkada Pfiser ayaa goordhaw soo saartay dawooyin cusub oo looga hortagayo qatarta dhimashada ee caabuqa covid19.

Warbixin ay soo saartay shirkada ayay ku xaqiijisay in la soo saaray daawo looga hortagayo in cudurka covid19 dadka qaadaya u dhintaan ama isbitaal u galaan sida ay sheegeen.

Daawadaan oo ah kaniini loogu tala galay in la siiyo dadka u nugul caabuqa covid19.

Pfizer ayaa tijaabo ay sameysay ku ogatay in dadka qaata daawadaan cusub hoos u dhigayso qatarta la xiriirta in ay u dhimato ama isbitaal ugu jiraan muda dheer.

Dadka lagu tijaabiyay daawadaan ayaa 89% qabay qatara hoose oo ah in isbitaal la dhigo ama u dhintaan muda kadib.

775 ruux ayaa ka qeyb qaatay tijaabada daawadaan taasi oo lagu ogaaday faa,iidada ay u leedahay khatarta xanuunka covid19.

Mikael oo ka mid ah qubarada cilmi baarista ku sameeyay daawadaan cusub ayaa sheegay in ay heleen xog aad u wanaagsan.

Shirkada ayaa xustay in ay rajeynayaan in daawadaan loo ogolaado dadka in ay isticmaalaan.

Daawooyinka qaar ay soo saarto shirkadaan ayaa hore looga ansixiyay wadanka mareykanka waxaana tani la rajeynayaa in dhawaan isticmaalkeeda la bilaabi doono.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norway.

Info@aragticusub.com