Shirweynaha 8-aad ee doorashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynahan oo si weyn loo soo agaasimay isla markaana ujeedkiisu ahaa in lagu doorto hogaanka cusub ee afarta sano ee soo socata hogaamin doona xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo cayaaraha, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, qaar ka mid ah xiriirada isboorti ee dalka ka jira kooxaha u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska, qubaro isboorti iyo marti sharaf kale.

Hadaba inta aan la gudogelin doorashada waxaa goobta lagu soo bandhigay waxyaabaha 4-tii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska, waxaana saxaafada warbixin kooban u akhriyey guddoomiyaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Cabduqaadir Cumar Abukar.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Cali Xasan ayaa goobta ka akhriyey magacyada musharixiinta u taagan qabashada xilalka kala duwan ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska ee 4-ta sano soo socota.

Intaas kadib xubnahii xaqa u lahaa inay codeeyaan ayaa ugu dambeyn si aqlabiyad leh oo gacn tag ah ugu codeeyay xubnahii musharixiinta ahaa maadama aysan jirin cid kale oo tartan la gashay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Cali Xasan ayaa markale ku dhawaaqay magacyada iyo xilalka musharixiinta la doortay, waxaana ay kala yihiin sida hoos ku qoran:-

1- Maxamed Abukar Xiirey Liibaro Guddoomiye

2- Maxamed Geesey Diinle Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

3- Iitoob Cabdi Xasan Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

4- Maxamed Ibraahim Muu’min Guddoomiye ku xigeenka 3-aad

5- Batuulo Xaaji Nuur Guddoomiye ku xigeenka 4-aad

6- Qadiijo Axmed Culusow Xubin

7- Maxamuud Yuusuf Maxamed Xubin

8- Cabdisamad Xasan Cumar Xubin

Qaar ka mid ah kooxaha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galay doorashada ayaa ballan qaaday inay si hufan ula shaqeyn doonaan maamulka cusub ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda laliska

Gudoomiyaha cusub ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska Maxamed Abukar Xiirey Liibaro ayaa u mahadnaqay xubnihii doortay, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay inuu xoojin doono ka shaqeynta horumarinta kubadda Lalaiska

Lataliyaha Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Ibraahim Xuseen Cali “Roombo” oo munaasabada soo xiray ayaa mas’uuliyiinta la doortay kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.