Sidee loo musuqay malaayiin dollar oo loogu talo-galay la-dagaalanka Al-Shabaab?

Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Afrika si loogu maalgeliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.
Xoghayaha maaliyadda Kenya, Dr Julius Muia, ayaa dhawaan ku guuldareystay in uu sharraxaad ka bixiyo lacag malaayiin dollar ah oo ka maqan dhaqaalaha uu Midowga Afrika ugu tala-galay ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Warbixin kasoo baxday hanti dhowraha guud ee Kenya oo ku saabsan miisaniyad sanadeedka 2018/19 ayaa lagu sheegay in lacagtaas aysan gaarin ciidanka Kenya ugu jira AMISOM oo tiro ahaan lagu sheegay 3,600 oo askari.
Warbaahinta oo soo xigatay warqad 26-dii bishii July sanadkii 2018 uu wasiirkii maaliyadda Kenya u qoray xoghayihii gaashaandhigga ayaa waxay muujineysay in Kenya ay Midowga Afrika ka sugeysay lacag dhan 78 milyan oo dollar in muddo ah iyadoo dib u eegis lagu sameynayay arrintaas.

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda ayaa xoghayaha maaliyadda Kenya su’aalo dhowr ah ka weydiyay arrinta ku saabsan in uu meel ku sheego lacagaha maqan, gaar ahaan farqiga u dhexeeya warbixinta hanti dhowraha iyo diiwaankii uu horraan soo gudbiyay wasiirkii hore ee maaliyadda ee ku aadan kharashaadka ku baxay ciidamada Kenya ka joogo Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa dejistay qorshe ah in bisha Disembar 2021 ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka, balse khuburada arrimaha ammaanka ayaa su’aal gelinaya suuragalnimada arrintasi.
Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.
Arrintan ayaa dhaqangeleysa sanad maaliyadeedka cusub ee bilowday bisha July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga
Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.
Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com