KENYA oo qaaday tallaabo daba socota diyaaradii ku dhacday garoonka Ceelwaaq

Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa markii u horeysay ka hadlay diyaarad shalay Arbacadii ku gashay garoon diyaaradeed ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Gilbert ayaa sheegay in diyaaradaas ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi, islamarkaana ay kusii jeeday magaalada Mandera ee waqooyi bari.
Waxa uu shaaciyey inay bilaabeen baaritaanka diyaaradaasi, midaasi oo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad toban qof oo kamid ahaa 45-ruux oo saarna diyaaradaas.
Gilbert ayaa ka gaabsaday faah-faahin dheeri ah oo ku aadan shilka diyaaradda, oo si kedis ah usoo wajahday cilad xoogan, taasi oo keentay in duuliyaha uu si deg deg ah ugu dejiyo garoon sanado badan xirnaa.

Diyaaraddan oo uu nooceedu ahaa 5Y-GRS ayaa ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, ayada oo xiliga cilada soo wajaheysay ay ku dhawaad xadka Kenya iyo Soomaaliya.