Xasan Sheekh Maxamuud oo ka digay dib u dhac ku yimaada doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay n dalka Soomaaliya uu soo maray isjiid jiid la xiriira dhanka doorashada balse laga gudbay,  isla markaana Madaxda dowlad Goboleedyada looga baahan yahay inay dhameystiraan hehsiiska doorasho ee la gaaray.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray  Xasan Sheekh Maxamuud  in ay xilligan u muuqato in doorashada ay dib u dhaceyso, waxaana uu ka digay in markale ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, balse ay rajo ka qabaan inay waqtigeeda u dhacdo doorashada.

“ Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in doorashadu ku dhacdo xilligii loo asteeyay. Waxaan ku baaqayaa in laga gudbo gaabis kasta oo hadda jira, si loo gaaro hadafkaas weyn oo ay Soomaali oo idil hiigsaneyso ayuu yiri” Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin Madaxda dalka, balse ay rajo ka qabaan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli doorashada Soomaliya ay dhowr jeer dib u dhacday, isla markaana siyaasiyiin badan ay haatan qabaan in markale ay dib u dhici karto.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com