Sidee Soomaalida ku dhaqan Norwey ugu diyaar garoobayaan doorashada guud ee dhawaan dhaceysa?(Sawiro).

Oslo,:- Dhawaan ayaa lagu wadaa in guud ahaan wadanka Norwey ka dhacdo doorashada guud oo ay ku tar tami doonaan xisbiyada wadanka.

Doorashadan ayaa muhiim gaar ah u leh dadka ku dhaqan wadanka Norwey taas ay oo ay ugu codeyn doonaan hadba xisbiga ay u arkaan in ka heli karaan waxyaabaha sida gaar ah uga baahan yihiin.

13.september ayaa ah xiliga loo asteeyay in doorashadu dhacdo isla markaana ku tar tami doonaan ilaa iyo sagaal xisbi gaar ahaan xisbiyada ugu tunka weyn ee kala ah SP,AP,Høyre Venstre,FRP,KRF,Miljøgrønn,SV,Rød iyo kuwa kale.

Xisbiyadan ayaa ah kuwo qeyb ahaan is taabacsan sida SP iyo AP oo sanadkaan raja wanaagsan ka qaba in talada wadanka la wareegaan.

Xisbiyada Høyre,FRP,KRF iyo Venstre ayaa ahaa kuwo wadanka soo maamulayay sideedii sano ee ugu dambeeysay.

Hadaba Soomaalida ku dhaqan wadankaan ayaa ah kuwo si aad ah ugu diyaar garoobaya sanadkaan in ay ka qeyb qaataan doorashada.

Ubah Abdullahi Aadan oo ka mid ah musharaxiinta xildhibaanada baarlamaanka  ayaa ku boorisay bulshada Soomaaliyeed in ay soo baxaan isla markaana ay codkooda dhiibtaan.

Salaado Ali Warsame oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Norwey ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada doorashada dhawaan dhaceysa.

Sidoo kale Sheekh Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah culimada ku dhaqan Oslo ayaa bulshada ku booriyay in doorashada laga qeyb qaato isaga oo ka mid ah dadka codka dhiiban doona.

Halkaan ka daawo sawirada:-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Oslo,Norwey.

Info@aragticusub.com