Sii haayaha Wasiirka Wasaarada Waxbarshada oo lagu soo dhaweeyay Degmada Balcad: Daawo Sawiro

Wafdi Uu Hogaaminaayo Sii haayaha Wasiirka Wasaraada Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa maanta gaaray Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe

Wafdiga Wasiirka ayaa Halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Madaxda Maamulka Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo qayabaha kala duwan bulshada degmadasi iyo Arday

Sii haayaha Wasiirka Waxbarshada ayaa markii uu halkaasi tagay dhagax dhigay Dusigha brahshada Cilmiga Beeraha

Qoraal kooban uu soo dhigay Wasiir Goodax bartiisa Face buugga ayaa u qotrneyd Sidaan:

Waxaan maanta safar dhulka ah ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana kasoo dhagax dhigay Dugsi Sare oo lagu baran doono Cilmiga Beeraha.

Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo shacabka degmada oo si diirran noogu soo dhaweeyay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com