Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Danjiraha UK ee Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa Muqdisho kula kulmay, Danjiraha Dowlada Ingiriiska u Jooga Soomaaliya Ben Fender.
Danjiraha Uk ee Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka wada hadlay, sare u qaadida Mashaaricda hormarineed, oo ay hay’addaha UK ka wadan degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug .
Ambasador Ben Fender, Danjiraha UK ee Soomaaliya, ayaa hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ku boogaadiyay shaqada ay qabteen muddadii ay xilka hayeen, wuxuuna balan-qaaday in UK ay si dhow ula shaqayn doonto Maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo maalmahan ku sugan magaalada muqdisho, ayaa kulamo kula leeyalan doona xubno ka socday beesha Caalamka, kuwaasi oo diirada lagu Sarayay in hay’addaha hormarinta Caalamka in ay xarumo ka sameystaan Galmudug, si ay uga qayb-qaataan hormarada ka socdo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com