Siyaasiyiinta Soomaalida oo dowladda Kenya kala hadlay kiiska Cabdiwahaab

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka Woqooyi Bari ee Kenya oo uu hogaaminayey xildhibaan laga soo doorto galbeedka degmada Wajeer, Axmed Kolosh, ayaa kulan ay la yeesheen agaasimaha waaxda dembi baarista Kenya kaga dalbaday xukuumadda in ay war cad ka soo saarto xaaladda Profeesarka.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo sideedii bishan aynu ku jirno la sheegay in laga af-duubtay bartamaha magaalada Nairobi.

Aggaasimaha ayaa u sheegay hogaamiyeyaashaas in la bilaabay baadhitaan arintaa la xidhiidha oo aanay salka dhigi doonin ilaa ay ka gungaarayaan afduubkaas oo aan ilaa haatan raq iyo ruuxtoona la hayn prof Cabdiwahaab.

Ehellada Cabduwahaab oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin maqnaanshahiisa, iyaga oo ka dalbaday dowladda Kenya inay soo cadeeyaan halka uu ku maqan yahay.