laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo kadib wada-hadalladii fashilmay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Garoonka Diyaaradaha Wafdiga Madaxweynaha Waxaa kusoo dhoweyey labada-golle Dowlada ,Maamulka Gobolka Baay,kan Degmada Baydhabo, Cutubyo ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii dhex-dhexaadinta ka dhex waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kuwaas oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.