R/W UK:-Boris Johnson Oo Ku Dhawaaqay In Qalab Malitari Dheeraad Ay U Dirayaan Ukraine

Ra’iisal Wasaaraha dalka UK Boris Johnson, ayaa xaqiijiyay in dowladiisa ay qalab military oo dheereed ah u direyso Ukraine oo ay ka socdaan dagaal uu ku qaaday Ruushka.

Mr Johnson oo khadka talefoonka kula hadlay madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale xaqiijiyay in toddobaadka soo socda ay UK dib u fureyso safaaradeeda ku taalla magaalada Kyiv, tallabadaas oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay Jimcihi.

Boris Johnson ayaa Mr Zelensky u sheegay, in gawaari badan oo gaashaaman, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka taangiyada loo diri doono Ukraine, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay Downing Street.

Mr Zelensky ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha tababarka in ka badan 20 askari oo Ukrain ah oo toddobaadkii hore gaaray UK.