Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan UK & Sweden kala hadlay Arrimaha deyn cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuluumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaaada WashingtonDC ee dalka Mareykanka ayaa kula kulmay Masuuliyiinta Dalalka UK iyo Sweden.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay Barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka qorsheyaasha deyn-cafinta.

” Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan Saaxibada Caalamka ee taageeradooda joogtada ah la garab taagan Soomaaliya ayuu yiri” Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuluumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya shirka Iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com