Ku dhawaad 6-xildhibaan oo iskaga haray dorashada lagu wado in bari ay kadhacdo Jowhar

Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedka SEIT Hirshabeelle ayaa bilaabay diiwaan galinta iyo shahaado siinta musharaxiinta u taagan kuraas tirsigooda uu yahay HOP#005, HOP#033, HOP#088, HOP#052, HOP#097 & HOP#098 kuwaas oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

Kuraastaan ayaa lagu wada doorashadooda inay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle 31 Janaayo 2022.

6-daan kursi uu Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Hirshabeele ayaa loo diiwaan galiyay illaa 12 musharax oo ku tartami doonta kuraastaan kuwaas oo noqon doona kuraasta ugu horreeysay ee la qabtay kuwaas oo ka tirsan Aqalka Hoose ee BFS.

Kursiga uu tirsigiisu uu yahya HOP#005 waxaa ku tartami doona:

1) Maxamed Cumar Ceeymooy oo horay ugu fadhiyay kursigaan Baarlamaanka 10aad.

2) Maxamed Cumar Cali.

Kursiga labaad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#033 waxaa ku tartami doona:

1) Yusuf Ibraahim Afrax oo horay ugu fadhiyay kursigaan Baarlamaanka 10aad.

2) Maxamed Xusen Sabriye.

Kursiga seddexaad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#088 waxaa ku tartami doona:

1)  Dahabo Suusow Maxamuud oo horay ugu fadhisay Baarlamaanka 10aad.

2)  Jamiilo Maslax Bulow.

Kursiga afaraad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#052  waxaa ku tartami doona:

1) Farxiyo Axmed Dhaqane oo horay ugu fadhisay Baarlamaanka 10aad.

2)  Faadumo Yuusuf Cumar.

Kursiga shanaad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#097 waxaa ku tartami doona:

1) Khadiija Mohamed Diiriye oo horay ugu fadhisay Baarlamaanka 10aad.

2)  Hodan Maxamed Xirsi.

Kursiga ugu dambeeya oo ah kursiga lixaad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#098 waxaa ku tartami doona:

1) Maxamuud Maxamed Jimcaale (Seeseey) oo horay ugu fadhiyay Baarlamaanka 10aad.

2)  Ubax Haashim Odowaay.

No description available.

Doorashada Beri lagu wado inay ka dhacdo magaalada Jowhar ayaa noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee Golaha shacab BFS uu maamulkaas qabta wallow dhammaan DG kale iyo Gobalada Waqooyi Doorashadooda mar hore la bilaabay haddan Hirshabeelle iyo G. Banaadir ayaan weli la bilaabin.