Taliska AFRICOM oo farriin adag u diray Ciidamada Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afruca ee loo yaqaano Africom ayaa si kulul uga hadlay xiisadda Soyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho taas oo u dhaxeeysa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu baaqay in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed, sidoo kalena ay taageerayaan baaqa Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya.

” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa si buuxda u taageeraya saaxiibadayada caalamiga ah, iyaga oo ku baaqaya in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa lagu yiri” Qoraalka AFRICOM.

Sidoo kale Taliska AFRICOM ayaa ugu baaqay Ciidamada dowladda  Soomaaliy in ay diiradda saaraan khataraha amniga ee kooxaha argagixisada ah ee ugaarsada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Beesha Caalamka ayaa waxaa ay isha ku heeysaa khilaafka siyaasadeed ee kajira Soomaaliya, waxaana ay soo saarayeen saacadihii la soo dhaafay qoraalo aad u kulul, kuwaas oo ku wajahan Madaxda qaar ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com