Solberg oo sheegtay in Xukuumaddeda sii shaqeyn doonto kadib ka bixitaankii FRP.

Oslo,Ra,isul Wasaaraha Norwey Erna Solberg oo goordhaw shir jaraa,id qabatay ayaa sheegtay in iyada iyo Xukuumaddeeda sii shaqeyn doonaan kadib markii Xisbiga FRP shaaciyay in Xukuumada isaga baxeen.

Erna solberg ayaa ugu horeyn u mahadceliyay xisbiga Frp sanooyinkii ay soo wada shaqeeyeen iyo guulaha ay wada gaareen.

Ra,isul wasaaraha ayaa dhanka kale ku adkeysatay in go,aankii xukuumadeeda ku keentay haweeneydi ka tirsaneed Ururka Daacish uu ahaa mid sax ah isla markaana ahaa go,aan bini,aadanimo oo lagu bad baadinayay ilma yar ee xanuunsanaya.

Solberg ayaa ugu dambeyn xustay in ay sii shaqeyn doonto xukuumadeeda ilaa iyo 2021.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com